weli
(m.l) (-iyo/awliyo, m.dh)

1. Qof mu'min ah oo Ilaah ka baqa. 2. Qof ay saaran tahay mas'uuliyadda xaas meel deggan. ld wali.

weli
(Magac Falkaab | Noun Adverb)

1. Ilaa hadda. 2. kol kale; haddana; misana. 3. Waa w.gay: abidkay, kolna.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weli

daabad [m.l]
Ninka tababbarka bilowga ah qaatay xagga ugaadhsiga, welise aan heer fiican gaarin.

na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.

aalo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Lo'da inteeda aan weli gaarin da'dii ay rimi ama wax rimin lahayd.

taadhisaar [m.l]
Dumar ama xoolaha kale oo umula iyagoo weli nuujinaya.

taadhisaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Dumar ama xoolaha kale iyagoo weli nuujinaya umulid.

laaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
1. Wax aan kala baxsanayn ahaansho. 2. Wax aan weli la samayn ahaansho.

baacug [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Caloosha dhasha xoolaha aan weli abaabin. 2. Caano la adkeyey oo lagu daray wax dhanaan; farmaajo.

daabbad [m.dh] (-do, m.l)
1. Neef xoolo ah oo la rarto ama la fuulo. 2. Nafley weyn oo la rumeysanyahay inay badda ku jirto, balse aan weligeed la arag.

eebbe [m.l]
Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; waaq; madhinte; weyne. ilaah, rabbi, guulle, waaq, madhinte, weyne

eedaysane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Qof dembi loo haysta laakiin weli aan caddeyn; tuhun dembi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg