welwel
(m.l)

ld walwal¹.

welwel
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-elay, -eshay)

ld walwal².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh welwel

kaambi [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Horay iyo gadaal si welwelsan ugu socosho.

baqdin [m.dh]
Dareen geesinnimo la'aaneed oo xasillooni darro iyo welwel leh oo ku dhasha nafleyda marka ay dareento inay nafteeda halis ku jirto; cabsi.

cabsi [m.dh]
Wax dhibaato keena ama xun ama xanuun leh iwm, argaggaxa ay nafleyda uurkeeda ku abuuraan; argaggax, bixid, welwel; baqdin.

caloolyow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof la kulmay arrin adag oo uusan xal u haynin welwel iyo walaac ku beermid.

dhaqsad [m.l]
1. ld dhakhsiinyo, dhakhso¹, dhaqsiinyo, dhaqso 1. Degdeg; welwel. 2. ld dhaqsasho. ld dhakhsad.

dhaqso [m.l]
1. (fk) Si degdeg ah; durba; si boobsiis iyo welwel leh. 2. ld dhaqsad.

dhiillo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Colaad iyo dhibaato. 2. Welwel iyo cabsi.

guulallow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Dhibaato ku soo fool leh awgeed welwel iyo cabsi dareemid.

hawlyarayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Ka h.: hawl wax ka qabashadeeda sahlasho. 2. Ka h.: arrin ka welwelid la'aan.

kurbo [m.dh]
Dareen, welwel, cabsi iyo tiiraanyo leh oo ka dhasha mushkilad cusub oo cid ku timaadda oo aan maaro loo hayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg