werdi
(m.l)

Ku celcelinta ereyo Alle loogu dhowaanayo. ld wardi.

werdi
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-iyay, -iday; -iyi)

Ereyo Ilaah loogu dhowaanayo ku celcelin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh werdi

raatib [m.l]
1. Quraan akhris, werdi iwm oo waqti go'an si joogto ah loo sameeyo. 2. (-byo, m.dh) Laba iniinood oo ka mid ah iniinaha tusbaxa oo tirooyin go'an u kala qaybiya tusbaxa middood. ld ratib¹ (1).

awlaadso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Duco Eebbe iyo werdi samayn.

fiddee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
U f.: qof dhintay werdi u akhriyid.

jalwi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Miro digir, lows iwm qallajin. 2. Gabay ku luuqayn. 3. Tusbax ku werdiyid.

tusbax [m.l] (-xyo, m.dh)
(dii.) Iniino ka samaysan kuul ama qori oo dhexda ka daloola o dhuun iskula taxan oo lagu werdiyo.

wardi [m.l]
ld werdi¹.

werdiyid [m.f.dh]
eeg werdi².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg