weyd
(Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate)

W. ah: nafley caato ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weyd

yabooh [m.l]
1. Dadka cayrta ah, baryada ay wax ku weyddiistaan; waxa kolkay yaboohsadaan la siiyo. 2. ld yaboohid. yaboohid

yabooh [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
1. Ka y.: baadi meel shir ah ka naadin. 2. U y.: cid, cid kale taageero u weyddiin.

yaboohi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Baadi la hayo shir ka baafin. 2. Yabooh weyddiin.

baafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Baadi, dad badan weyddiin.

ibdar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Caano yar oo dhowrto ahaan la isugu daro. 2. Xoolaha markay dararaan oo uu naaskoodu gaaro xoorka caanaha. 3. Dhaawac gaara caanamareenka naaska oo ay candhadu caanaha ceshan weydo.

kaadi-ku-ceshoomid [m.dh]
(daaw.) Kaadida oo soo bixi weyda oo ku ceshoonta kaadi haysta.

qaansheeg [m.dh] (-gyo, m.l)
(dhaq.) Qoraal cid lagu weyddiinayo badeeco ay hore u qaadatay qiimahooda in ay bixiso.

rabbituug [m.l]
Baryo Eebbe wax lagu weyddiisto.

tacaddi [m.l]
Wax lagu kaco oo xaqa weydaarsan; waxyeello; gardarro; xumaa-to. ld dacati.

uun [Falkaab | Adverb]
1. Keliya. Tus. “Carruurta uun caanaha sii”. 2. Mid kastaba ha ahaadee. Tus.”Nin uun weyddii”. 3. Mid aan cayinnayn, mid aan la garanayn. Tus. “Wiil uun baa noo sheegay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg