weyddiin
(m.f.dh)

eeg weyddii. ld weyddis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weyddiin

yabooh [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
1. Ka y.: baadi meel shir ah ka naadin. 2. U y.: cid, cid kale taageero u weyddiin.

yaboohi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Baadi la hayo shir ka baafin. 2. Yabooh weyddiin.

baafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Baadi, dad badan weyddiin.

qaansheeg [m.dh] (-gyo, m.l)
(dhaq.) Qoraal cid lagu weyddiinayo badeeco ay hore u qaadatay qiimahooda in ay bixiso.

bayti [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Baadi maqan xogteeda sheegid. 2. Baadi maqan xogteeda cid weyddiin.

calaamatu-su'aal [m.dh] (-llo, m.dh)
Astaan weyddiineed.

cirridbaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
War ama xog lagu tuhmayo inuu wax ka ogyahay, qof si dadban u weyddiin.

gorgori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Shay beec ah qiimihiisa cid weyddiin.

haybaari [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-iyay, -isay)
Baadi xogteed cid weyddiin.

haybi [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iyay, -isay)
1. Baadi cid weyddiin. 2. Wax cid weyddiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg