weyddiis
(m.l)

ld weyddiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weyddiis

yabooh [m.l]
1. Dadka cayrta ah, baryada ay wax ku weyddiistaan; waxa kolkay yaboohsadaan la siiyo. 2. ld yaboohid. yaboohid

rabbituug [m.l]
Baryo Eebbe wax lagu weyddiisto.

alkumo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-untay, -umatay)
Gabadh guur laga doonayo reerkooda weyddiisasho.

aqbal [m.l]
Oggolaanshaha cidi yeesho wax la weyddiistay. ld aqbalid.

aqbal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
Cid wax la weyddiistay yeelid.

arji [m.l]
(araaji /-iyo, m.dh) Qoraal loo diro dawlad, shirkad, hay'ad iwm oo wax lagu weyddiisanayo ama lagaga cabanayo.

baayoco [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-yacday, -yacatay)
Badeeco qiimaheeda weyddiisasho; gorgori. ld baayaco.

bari [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ryay, -riday; -ryi)
1. (f.g) Cid wax ay leedahay ama ka mas'uul tahay si debecsan u weyddiisasho. 2. (f.mg) Habeen meel u hoyasho.

baryo [m.dh]
Si debacsan oo cid waxay leedahay ama mas'uul ka tahay loo weyddiisto; tuugmo.

ciirso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Cid kaalmo weyddiisasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg