weyddiisasho
(m.f.dh)

eeg weyddiiso. ld weyddiisad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weyddiisasho

alkumo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-untay, -umatay)
Gabadh guur laga doonayo reerkooda weyddiisasho.

baayoco [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-yacday, -yacatay)
Badeeco qiimaheeda weyddiisasho; gorgori. ld baayaco.

bari [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ryay, -riday; -ryi)
1. (f.g) Cid wax ay leedahay ama ka mas'uul tahay si debecsan u weyddiisasho. 2. (f.mg) Habeen meel u hoyasho.

ciirso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Cid kaalmo weyddiisasho.

ciribso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Cid, ciirsi weyddiisasho. 2. Qof, cid ka horreysa tiigsasho.

codo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-otay, -odatay)
Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.

codso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.

duceyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Eebbe khayr weyddiisasho. 2. Ka d.: cid duco ka kasbasho.

durraamo [f.g/lg3] (-aantay, -aamatay)
1. (f.g) Ilaah baryid. 2. (f.g/lg) Ka d./d.: wax weyddiisasho saraadii ku jirto; yu'asho; dhaawasho.

haybaarso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Baadi xogteeda cid weyddiisasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg