weyl
(m.l) (-lo, m.l)

Dhasha lo'da keeda lab.

weyl
(m.dh)

1. Burcad. 2. (-lo, m.l) Dhasha lo'da teeda dheddig.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weyl

waalli [m.dh]
1. Cudur kasta oo kartida wax lagu kala garto baabi'iya, dhantaala ama wax u dhima. 2. (-iyo, ml.) Gogol ka samaysan weylo yaryar hargahooda layskuna tolo; weylaalis.

birimbirqo [m.dh]
Boodbood iyo durduro ay sameeyaan weylaha; naylaha, waxaraha iwm marka ay barwaaqeysanyihiin. ld birimbirqayn.

dhamiijo [m.dh]
Deris ku nool gasha waxaraha, weylaha iyo naylaha. ld dhibiijo.

dhaylaqaad [m.l]
Dh. ah: weyl yar oo caato ah oo sacii laga maalay ee aan lagu dayn.

gandaal [m.l]
Harag laga bixiyo weylaha dhinta oo inta si gaar ah loo dhiso lagu godliyo sacii dhala.

hargaweylaalis [m.dh] (-syo/-so, m.l)
Hargo weylo yaryar oo inta laysku tolay gogol laga dhigto.

joogjooge [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
1. Dhis maqaar, qoryo, iyo caws laga sameeyo oo qaab nirgood ama weylood leh oo la tuso hasha ama saca ilmihiisu dhinto, si uu u godlado. 2. Socod dheer oo aan nasiino lahayn oo maalin la socdo.

ka-goys [m.l]
Ka-g. ah: weyl, nirig iwm oo naaska hooyadood ka go'ay.

sees [m.l] (-sas, m.l)
1. Garangar yar oo qodxa ka taagtaagan yihiin oo weylaha gafuurka loo geliyo si aysan lo'da u nuugin. 2. Asaas; saldhig. 3. Nin ka shaqeeya xera-da fardaha.

wajac [m.l]
1. Xanuun yar. 2. Cudur weylaha ku dhaca oo ay la jibaadaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg