weynaan
(m.f.dh)

eeg weyn. ld weynaansho, weynin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weynaan

tadhah [m.l]
Kibir iyo isla weynaan ku abuurma qof maal ama darajo uu helay darteed.

aboodi [m.l] (-iyo, m.dh)
Nooc haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka luguha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.

amarweynaan [m.dh]
Kibir iyo isla weeyni badan. ld amarweyni.

basarikibir [m.dh]
Qab iyo isla weynaan ka muuqda haweeney baali ah.

buturi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Is b.: qof caro iyo isla weynaan awgeed gaar u istaagid.

buuro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Nafley cayilid; weynaansho.

caloolweynaan [m.f.dh]
eeg caloolweynad. ld caloolweynaansho.

caloolweynaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld caloolweynaan.

cirweynaan [m.f.dh]
eeg cirweyn. ld cirweynaansho, cirweyni.

cirweynaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld cirweynaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg