weyne
(m.l)

Ilaah; Rabbi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weyne

eebbe [m.l]
Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; waaq; madhinte; weyne. ilaah, rabbi, guulle, waaq, madhinte, weyne

saalaweyneeye [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Geed caleemo waaweyn oo xoolaha qaarkood daaqaan.

uurweynaad [m.l]
Cudur dadka ku dhaca oo beeryarada barariya, uurkana weyneeya. ld caloolweynad.

waagii barafka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waa jiyoolojiyeed oo baraf gogollo ah iyo baraf weyneyaal ay dabooleen badad badan oo qaaradaha ah, meelaha qaarkoodna barafku wuxuuba gaaray badaha, wuxuuna hoos u dhigay heerkulkii badweyneyaasha.

adduunweyne [m.l]
Adduunka oo dhan. ld adduun.

anatomi [m.l] (-iyo, m.dh)
(baay.) Barashada dhismaha noolayaasha, gaar ahaan xubnahooda gudaha iyada oo la adeegsanayo jeebis iyo baadhitaan weyneyso leh.

badweyn [m.dh] (-nno, m.dh)
(juqr.) Gogol biyo cusbo leh ah oo ku wareegsan dhul weyneyaasha dunida. Biyahaas iyaga ah waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo waaweyn, dhammaantood waxay dabboolaan 71% ee dusha dunida.

bagaf [m.l]
1. Weel aan weyneyn, in yar godan oo aan wax badan qaadin. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af ballaaran oo badeelka u eg leh.

bahardaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Is b.: is ballaarin. 2. Is b.: is weyneysiin; isqaadqaadid.

ballaarso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Dhul iwm cabbirkooda kordhisasho. 2. Wax ballaciisa weyneysasho.

wey [m.l]
Hilib uu ka soo gooyo halgamuhu neefka uu soo dilo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg