weynee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-neeyay, -neysay)

1. Wax, wax weyn ka dhigid. 2. Cid qiimo u yeelid. 3. Is w.: wax weyn iska dhigid (qof). 4. Iska w.: qof cid iska sarreysiin. ld weyneysii.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weynee

saalaweyneeye [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Geed caleemo waaweyn oo xoolaha qaarkood daaqaan.

uurweynaad [m.l]
Cudur dadka ku dhaca oo beeryarada barariya, uurkana weyneeya. ld caloolweynad.

isu'eg [m.l] (-gyo, m.dh)
(xis.) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.

kalagguur [m.l]
1. (daaw.) Cudur caruurta ku dhaca oo madax weyneeya. 2. (baay.) Heerka saddexaad ee qaybsanka unugga.

mikroskoob [m.l] (-byo, m.l/dh)
Qalab loo adeegsado inuu aad u weyneeyo waxyaalaha aad u yaryar ee aan isha caadiga ahi lagu arki karin.

weyneyn [m.f.dh]
eeg weynee. ld weyneys, weyneysiin.

weyneysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
ld weynee.

weyneyso [m.dh] (-ooyin, m.l)
(fiis.) Qalab loogu talaggalay in uu weyneeyo hummagga walxo aad u sii yar.

weyn [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd; waaweyn)
1. Wax qiyaasta loo baahan yahay wax u weheliyaan xagga tirada, dhererka, ballaarka, filka iwm ahaansho. 2. Isla w.: qof cid kale iskala sarreeya ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg