weyneyso
(m.dh) (-ooyin, m.l)

(fiis.) Qalab loogu talaggalay in uu weyneeyo hummagga walxo aad u sii yar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weyneyso

anatomi [m.l] (-iyo, m.dh)
(baay.) Barashada dhismaha noolayaasha, gaar ahaan xubnahooda gudaha iyada oo la adeegsanayo jeebis iyo baadhitaan weyneyso leh.

fayras [m.l] (-syo, m.dh)
(daaw.) Saxar aad u yar oo aan lagu arki karin weyneyso fudud ama aan lagu shaandhayn karin shaandho, laakiinse awood u leh, inuu ku dhalo kuna dheefsado unug kale dhexdiisa.

histooloji [m.l]
(baay.) Barashada nudaha noolayaasha iyada oo la adeegsanayo weyneyso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg