weyrax
(m.l)

1. Dagaalka xoolaha dhalay (lo') oo ay dagaallamaan kolkay ubadkooda u baqaan. 2. Caro; gedood.

weyrax
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-xay, -xday)

Neef xoolo ah oo dhalay markuu dhashiisa u baqo gadoodid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weyrax

aabiweyrax [m.l]
Sabab la'aan cid dagaal ku qaadid, weyrax kulul.

duuf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Ka soo d.: soo farabbaxsasho (dagaal); weyrax.

weyraxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo ama dad weyrax ka keenid.

weyraxid [m.f.dh]
eeg weyrax².

weyraxin [m.f.dh]
eeg weyraxi.

weyraxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Dad ama xoolo wax weyraxay ahaansho.

weyraxsanaan [m.f.dh]
eeg weyraxsan. ld wey-raxsanaansho.

weyraxsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld weyraxsanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg