weyso
(m.dh)

ld weeso.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh weyso

boorayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
(dii.) Biyo la'aan awgeed xubnaha laga weyso qaato qaar ka mid ah (wejiga iyo gacmaha) ciid nadiif ah marin si cibaado loo guto; tayamum.

bur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Weyso gadmid. 2. Dheri dhooba ah kala jabid. 3. Xeer jiray baabbi'id. 4. Markhaati beenoobid.

buri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid weyso u dhawrnayd ka jebin. 2. Xeer jirey baabbi'in. 3. Xeer jirey ku xad gudibid. ld burri.

daaweyso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1. (f.g) Wax jirran daawo siisasho. 2. (f.mg) Wax si isla eg u qaybsasho. ld daweyso.

daweyso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
ld daaweyso.

dhaweyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
ld dhoweyso.

dhoweyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Wax meel dhow keensasho. ld dhaweyso.

gad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Badeeco lacag ku beddelid. 2. Wax tirid. Tus. “Roob baa raadkii gaday.” 3. Weyso burin.

haweyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Hawo ka gelid; niyaysasho; isu qaadid.

quweyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Wax xoog ama awood yeelasho.

wey [m.l]
Hilib uu ka soo gooyo halgamuhu neefka uu soo dilo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg