wiif
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)

1. Sida wiifowgii u wareeg. 2. Aad u orod.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wiif

cawiif [m.l]
Midab cad oo boor ku dhafanyahay.

wif [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
Erey tilmaama dhawaaqa wax sida wiifowga u wareego.

wiifi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Sida wiifowgii u wareegin. 2. Aad u orodsii.

wiifid [m.f.dh]
eeg wiif.

wiifin [m.f.dh]
eeg wiifi.

wiiflee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
1. Sida wiifowgii u wareeg. 2. Aad u orod.

wiifleyn [m.f.dh]
eeg wiiflee.

wiifow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Geed wareegsan oo fardo qoryo ah iyo kuraas lagu fariisto leh oo carruurta lagu ciyaarsiiyo. 2. Kursi meel ka laallaada oo carruurta lagu ruxo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg