wiil
(m.l)

1. Inan; kuray; ilmo yar oo lab ah. 2. Adeege; madiidin; qawsaar. 3. Isha birtee-da; wil.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wiil

aabbe [m.l ] (-bayaal, m.l/m.dh)
1. Nin ubad dhalay. 2. (u.j) Aabbow!; wiilkaygiyow! ld aabbo, aabe. aabbo

eeddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Haweeneyda aabaha la dhalatay. 2. Haweeneyda aabuhu qabo oo aan hooyada ahayn; aayo. 3. U.j: eeddoy! 4. U.j: wiilka aan eeddada u ahayow!; gabadha aan eeddada u ahayey!

urun [m.l]
Xarig dhuuban, dun ka samaysan oo wiilasha yaryar dhexda loogu xiro kaddib marka la gardaadiyo.

uugo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhawaaq wiilka geela jiraa sameeyo markuu rabo inuu isu ururiyo. ld uujo.

yooyootan [m.l]
1. Cayaar sii baabba'aysa oo wiilal iyo gabdho laysu caayo, cay kaftan ah oo aan laga caroon: mirihiisu, suugaan ahaanta aad bay u fiicanyihiin haseyeeshee cayda xun oo uu ku dhisanyahay baa dishay. 2. ld yooyootamid.

abbaaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Wax ay gabadhi u tahay wiilka ama gabadha la dhalatay. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo gabdhaha wada dhashay ama xigto ah ama is jecel isugu yeeraan. 3. Gabadhi waxa ay u tahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abbaay, abbaayo.

abboowe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
1. Waxa wiil u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama is jeceli isugu yeeraan. 3. Wiil waxa uu u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abboow, boowe.

abti [m.l] (-iyo, m.dh, -iyaal, m.l/dh)
1. Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu walaalkeed u yahay. 2. u.j. abtiyow! 3. u.j. wiilka aan abtiga u ahayow!; gabadha aan abtiga u ahayey.

adeer [m.l] (-rro, m.dh)
1. Nin waxa uu u yahay ilmaha walaalkii dhalay. 2. Hab xurmo leh oo qof da'weyn loogu yeero. 3. (u.j) adeerow! 4. (u.j) wiilka aan adeerka u ahayow!; gabadha aan adeerka u ahayey.

agoon [m.l]
(agoon/-nno, m.dh) Wiil yar oo aabihii dhintay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg