wiriq
(m.dh)

1. Halaq aan wax qaniinin. 2. ld biriq¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wiriq

yuuriya [m.dh]
(kiim.) Adke cad oo wiriqaysan oo ku milma biyaha CO(NH2), yuuriya waa maxsuulka naytaroojiineed ee ugu dambeeya qashinsaarka naasleyda.

basalt [m.dh]
(jool.) Dhadhaabo midabkeedu madow yahay, wiriqaheeduna yaryaryihiin, ka abuurma ciid raran ah oo ka soo gufaacda burkaanta oo qabowday ee adkaatay.

biriq [m.dh]
Gantaal danab ah, xoog badan, wuxuu ku dhaco dila oo ka dhasha isku dhac daruuro marka roob da'ayo. ld wiriq.

gal-dayax [m.l]
(c.fal.) Giraan ilays ah oo ku wareegsan dayaxa ama qorraxda marka qorraxda laga dhex arko wiriqaha daruur sare oo khafiif ah oo ku gudban sokadeeda.

garanayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(jool.) Dhadhaabo wiriqyadeedu waaweynyihiin oo dhulka hoostiisa ku adkaata. Macaadinta “quartz” iyo “feldspar” iyo kuwo kale ayaa dhadhaabtaan laga helaa. G.ku wuxuu ka mid yahay dhadhaabaha ugu adag uguna adkaysi badan, waa kan loogu heli ogyahay dhadhaab shiileedda hoose, waana dhadhaabta ugu badan dhulk.

hawl-obtikeed [m.dh]
(fiis.) Awoodda ay u leeyihiin iskudhisyada qaarkood in ay ku wareegaan sallaxa ciriflanimada ee sallax ilays cirifaysan marka ilays la dhex mariyo. H.o.da waxaa laga arki karaa wiriqaha, neefaha, hoorarka iyo milannada.

indhawiriq [m.l]
Iftiin xoog badan oo indhaha ku dhacay awgii wax la arki waayo.

indhawiriq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
Iftiin xoog badan oo indhaha ku dhacay awgii wax la arki waayid.

in-gudbiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(kiim.) Walax astaanteeda gudbineed ay u dhexeysa tan gudbiye (bir) iyo tan ma-gudbiye (caag). Marka loo eego gudbiyeyaasha, caabbiga in-gudbiye waxa uu la sii yaraadaa korodhka heerkulka. In-gudbiyeyaasha waxa ka mid ah adkeyaasha wiriqlaha ah sida jeermaniyam iyo silikon.

istiibiyam [m.dh]
(kiim.) Summad: sb. Bir wiriqle ah midabkeeduna yahay caddaan qalin ah kana tirsan ururka V ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Waxa loo helaa curiye ahaan, ogsaydh ahaan ama salfaydh ahaan (istibnayt, Sb2S3). Culays-atam: 121.75; tiro-atam: 51.

wir [Erey Dareen | Exclamation]
Car! Ma ku dhacda.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg