wiriqlaawe
(m.l) (-nno, m.dh)

(kiim.) Walax adke ah oo aaney atamyeedeedu lahayn ha-bayn qumman. Taas macnaheedu waa ma aha wiriq.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wiriqlaawe

quraarad [m.dh]
(kiim.) Walax adag oo ilays-gudbiye ah lagana sameeyo isku kuleylinta kaalsiyam ogsaydh (laym), soodiyam kaarbooneyt iyo ciidda (silikoon IV ogsaydh). Quraaradu waa walax wiriqlaawe ah oo aan atamyadeedu ku habeysnayn raso.

soodha [m.dh]
(kiim.) Naatriyam Kaarbooneyt (Na2CO3). Budo wiriqlaawe ah oo cad, taas oo kuusanta marka loo banneeyo hawada sababtoo ah waxa ay noqotaa cokane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg