wood
(m.l) (-dad, m.l)

Cod doorasho.

wood
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

Cod cid lago dooranayo bixin. ld wootee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wood

xad-awoodeed [m.dh] (-dad ..., m.l)
(qaan.) Awood maxkamad sharciyeed ama madax sare oo ku gaara go'aan ama fuliya sharci.

awood [m.dh] (-do, m.l)
1. Kartida ay cidi u leedahay inay arrin meel mariso. 2. Xoogga muruqa.

awood [m.dh]
(fiis.) Summad P. Dhakhsaha hawl lagu qabtay ama ay tamari ku geddisantay P: hawl la qabtay amminta ay ku qaadatay habka caalamiga (HC) waxa lagu cabbiraa Waat (Juul halkii seken).

awood [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
(f.g) A./(f.mg) u a.: arrin wax ka qabashadeeda karti u yeelasho.

awood-danabeed [m.dh]
(fiis.) Awoodda danab ee qalab koronto waa xaddiga tamarta ee ku geddisantahay hal halbeeg oo ammin ah. Awood danab waxa lagu cabbiraa Waat, summadduna waa P. Tamar danab QV ItV VI Ammin t t Awoodda danab ee Waat ah waxa lagu helaa taranta keyd faraqa V iyo qulqulka danabka ee Ambiiyeer (A).

awooddaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax awood yar ahaansho.

awooddarnaan [m.f.dh]
eeg awooddaran. ld awooddarnaansho, awooddarri, awooddarro.

awooddarnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld awooddarnaan.

awooddarri [m.dh]
ld awooddarnaan.

awooddarro [m.dh]
ld awooddarnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg