xabaal
(m.l)

ld xabaalid.

xabaal
(m.dh) (-lo, m.l)

Qabri.

xabaal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aalay, -aashay)

Wax aasid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xabaal

qaarxabaal [m.l]
1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo.

qaarxabaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kukul loogu duugo si loogu daweeyo, xabaalid.

qaarxabaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaarxabaal².

uusxabaal [m.l] (-llo, m.dh)
Qof tuug ah oo ariga uu qasho hilibkiisa inta uu cuno mooyaane inta kale qarsha.

xabaalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax la xabaalay ahaansho.

xabaalaqode [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Nin dadka dhinta qabriyada u qoda.

xabaalaquf [m.dh]
Qarandi; saddexsuulley.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg