xabsi
(m.l)

ld xabbis¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xabsi

xabbis [m.l] (-syo, m.dh)
Dadka dembiga gala, meesha lagu xiro oo lagu hayo; xarig. ld xabsi.

xabbis [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Qof xabsi gelin.

xabbisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax xabsi la geliyey ahaansho.

garsuge [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
Nin xabsi ku jira oo aan xukunayn; rumaa.

jeel [m.l]
1. Wixii dhab loo jecelyahay, araggooda ama maqalkooda ama dhadhankooda, iwm, u bogidda, jamaadda iyo macaanka laga helo. 2. Dareen rabitaan oo ku abuurma xoolaha marka ay waayaan dhanaan. 3. (-lal, m.dh) Meesha dadka dembiga gala lagu xiro; xabsi.

killaal [m.l]
1. Xabsi. 2. K. ah: meel ciriiryoon oo aan laga bixi karin. 3. Meesha cududda iyo dhudhunka dadku iska galaan.

lahaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof xabsi ku jiro oo aan maxkamadi xukumin.

rummaan [m.l]
1. Geedgaab la beero oo caleemo balballaaran, ubax iyo miro macaan oo la cuno leh. 2. Miraha geedka rumaanka. 3. Qof xabsi ku jira oo xukun sugaya. 4. Nooc ka mid ah sariirihii hore oo alwaaxda qurxan oo la xardhay ka samaysan, oo leh rukummo kor u dhaa-dheer.

sheel [m.l]
1. Meel wax lagu qarsado. 2. Xabsi.

xab [m.l]
1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.

xab [m.l]
(c.nafl.) Walax qoyan oo jiidma oo laga soo daayo xuubka malaaska. Xabku a) wuxu daafacaa xuubka; b) wuxu sahlaa socodka wixii dul maraya xuubka oo wuxuu ka dhowraa xoqniinka; c) wuxuuna qaadaa ensaymyada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg