xad-dhaaf
(m.l)

Meeshii laysu asteeyay oo la dhaafo; xadka oo laga baxo.

xad-dhaaf
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)

1. Wax aan la koobi karin noqosho. 2. Wax qiyaastoodii dhaafid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xad-dhaaf ↴

xad-dhaafid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaddhaaf².

beerxaw [m.dh]
Cudur caloosha ku dhaca oo shuban xad-dhaaf ah leh.

dabbar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Caro xad-dhaaf ah oo qofka is hanashada ka lumisa. 2. Dhagar, khayaano.

daldal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Alaab iwm meel ka gurid iyadoo hadba in la qaadayo. 2. Wax si xad-dhaaf ah u cunid ama cabbid.

tardhaaf [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
T. ah: xad-dhaaf.

xifo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ftay, -fatay)
Si xad-dhaaf ah cunto uga dhergid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg