xaddi
(m.l)

Awood; xoog.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaddi

aadimo [m.l]
1. (fiis.) Cabbir xariiqeedka laga qaaday walax adke ah sida dhererka (l), ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiis.) “Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro habboon.

daafad [m.dh]
(fiis.) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.

kaah-qorraxeed [m.l]
(fiis.) Tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.

kaalori [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
(fiis.) K. halbeeg. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu heerkulka 1 garaam oo biyo ah kor u qaado 1° C (1° K). Halbeegga kaalori beryahan looma adeegsado xisaabinta fisikaad, waxana la qaataa Juul. 1 kaalori =4.1868 juul.

saami [m.l] (iyo, m.dh)
(xis.) Saamiga laba xaddi ama laba walax xisaabeed A iyo B waa qaybta ma jajabka labada xaddi A/B oo loo qoro A : B. 5. Tiro ama xaddi loo qaybiyey mid kale. Saamiga laba xaddi oo doorsoomeyaal ah x iyo y, oo loo qoro x/y ama x : y, waa madoorsome addooy saa-migal u tahay x.

saafid-kolorimitrieed [m.dh]
(fiis.) Saafid xaddiyeed oo lagu cabbiro ribnaanta milmeyaasha midabaysan iyada oo la kaashanayo itaalka midabka. Milanka la hubinayo waxa loo eegaa milanno ribnaantooda la yaqaano.

wadar [m.dh]
(xis.) Jawaabta la helo marka laba ama dhawr tiro ama xaddi la isugeeyo.

xaddi leeb [m.l] (-iyo ..., m.l)
Xaddi leh jiho iyo laxaad, waxaana ka mid ah barabaxa, kay-naanka keynaan xagleedka, xoogga iwm xad-di leebka waxa sawir ahaa u taagnaan kara xariiq (leeb) dhererkeedu uu saamiggal ku yahay laxaadka xaddiga, jihadeeduna uu yahay ka leebkaas.

xaddid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Xad u yeelid.

xad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Hanti qof kale leeyahay si qarsoodi ah u qaadasho.

xad [m.l] (-dad, m.l)
1. Xudduud; soohdin. 2. ld xaj.

xad [m.l] (-dad, m.l)
(taar.) Xarriiqda kala qaybisa laba hanti ma guurto ah ama laba waddan.

xad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, dday)
1. Wax is-hortaagid. 2. Wax dhibid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg