xaddidan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-dnaa, -dnayd)

Wax xad loo yeelay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaddidan

xaddidnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaddidan. ld xaddid-naansho.

antarasayt [m.l] (-yo, m.dh)
(jool.) Dhuxul-dhagaxeed adag oo madow oo dhalaala oo ah dhuxusha ugu heerka sarraysa oo ay ku jiraan qiyaasta ugu yar ee biyo iyo maatarka aan xasilloonayn, iyo heerka xaddidan ee u sarreeya ee urkaarboonka.

asiidh-laagtika [m.dh] (-dyo ..., m.dh)
(baay.) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iwm.

bar [m.l]
(daaw.) Bar lagu dhasho oo meel xaddidan ee maqaarka ah ku taal.

bilaaban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)
1. Wax la bilaabay noqosho. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore gelid. ld billaaban.

bilow [m.l]
1. Tallaabada ugu horreysa hawl la fulinayo. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore. ld billow¹.

bilow [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-laabay, -lowday; -laabi)
1. Hawl la fulinayo tallaabadeeda hore guda gelid. 2. Waqti xaddidan qeybtiisa hore gudagelid. ld billow².

daahi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid ama wax kale meel ay waqti xaddidan tegi lahayd dib uga dhacsiin.

kambiyaale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Lacag bangi laga deynsado oo muddo xaddidan lagu bixiyo oo ribisaarkeedu badan yahay.

xaddid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Xad u yeelid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg