xadee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-deeyay, -deysay)

Wax xad u yeelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xadee

xadeyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xadee.

darxadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Maro darxad u yeelid.

qaraaxadee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-deeyay, -daysay)
Cod furan oo aan xabeeb lahayn ku hadlid ama ku heesid.

suubaan marawaxadeed [m.l]
(jool.) Tuuridda burburka dhagxaanta ee ka dhasha webi ama farac si degdegsan u qulqulaya. Suubaan marawaxadeed wuxuu caan ku yahay gobollada oomanaha ah waayo waxa jira fatahyo webi oo ka dhasha aago ka soo dega buuraha iyo iyaga oo gura waqtiyada oomanaha; waxayna suurageliyaan samayska suuban marawaxadeed.

webi [m.l] (-iyo, m.dh)
(juqr.) Durdur biyo macaan ah kaasoo ugu yaraan qayb sannadka ka mid ah ay ka weyntahay dur dur yar, waxayna martaa kanaal dabiici ah, oo ay dhinacyada ka xadeeyaan qarar, kuna shubma badda ama xaro, ama webi kale.

xad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Hanti qof kale leeyahay si qarsoodi ah u qaadasho.

xad [m.l] (-dad, m.l)
1. Xudduud; soohdin. 2. ld xaj.

xad [m.l] (-dad, m.l)
(taar.) Xarriiqda kala qaybisa laba hanti ma guurto ah ama laba waddan.

xad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, dday)
1. Wax is-hortaagid. 2. Wax dhibid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg