xafid
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)

1. Wax dayac ka ilaalin. 2. Cashar, Quraan iwm kor ka bara-sho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xafid

laahi [m.l] (-iyo, m.dh)
Qof aan wax xafidin; aan is dhibayn.

xafidan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Wax la xafiday ahaansho.

xafidid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xafid.

xafidnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xafidan. ld xafidnaansho.

xafidnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld xafidnaan.

ammaano [m.dh]
1. Wax cid loo dhiibto si ay u xafiddo. 2. Kalsooni cid lagu qabo; aamminaad.

astur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Cid ceebteeda qarin. 2. Wax dayacan xafidid. 3. Wax xabaalid.

cinjirrageed [m.l] (-yo, m.dh)
(daaw.) Gal ka sameysan cinjir xariir oo guska la galiyo marka galmada; cinjirkaasu wuxuu labada qofba ka xafidaa cudurrada galmada, wuxuu celiyaa uur qaadidda.

dhawran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax la xafiday ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg