xafiis
(m.l) (-syo, m.dh)

Qol ama ka badan oo lagu maamulo hawlo guud ama gaar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xafiis

waardiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof xafiis, guri iwm ilaaliya; ilaaliye.

aannu [mu.dhm.y]
Magacuyaal tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah (marka laga reebo lala hadlaha). Tus. “Xafiiska aannu aragnay waa xafiiskaada cusub”. ld aan1.

adeeg [m.l]
1. Hadal aan qornayn oo cid loo dhiibo si ay cid kale u gaarsiiso, farriin. 2. Shaqa hoosaad laga qabto guryaha iyo xafiisyada oo aan u baahnayn xirfad gaar ah. Tus. “Adeeggii buu diidey”. 3. Waxyaabaha daruuriga ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay.

adeeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Ka a.: xafiis, guri makhaayad iwm hawl hoosaad ka qabasho. 2. Ka soo a.: waxyaabo daruuri ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay soo iibin.

adeegto [m.dh] (-ooyin, m.l)
Haweenay shaqo hoosaad ka qabata guryaha, xafiisyada iwm.

agaasin [m.l]
1. Xafiis laga maamulo waax wasaaradeed, wakaaladeed iwm. 2. ld agaasimid. Habeynta iyo isku dubbarididda hawsha. 3. A. guud: xafiis laga maamulo dhowr waaxood.

alaabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
Guri, xafiis iwm alaabo dhigid.

albaabjooge [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
Qof guri weyn, xafiis iwm ilaaliya oo iridda laga soo galo jooga.

armaajo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qalab qori ama bir ka samaysan oo guryaha iyo xafiisyada la dhigto, leh qaabab kala duwan iyo khaanado dharka, dukumentiga, maacuunta iwm lagu rito. ld armaadyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg