xaflad
(m.dh) (-do, m.l)

1. Isu-imaadka dad badani meel isugu yimaado iyagoo xusaya munaasabad muhiim ah. 2. Fantasiyaha loo sameeyo aroos iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaflad

gaaf [m.l] (-faf, m.l)
1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.

aroos [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-say, -stay)
1. (f.g) Laba qof oo isguursaday xaflad iyo damaashaad samayn. 2. (f.mg) Nin, naag guursasho.

borotokool [m.l]
1. Diiwaan. 2. Heshiis caalami ah oo ku saabsan habka loo maro xafladaha dibloomaasiga ah.

jusbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Arday jus dhammeeyey xaflad u samayn.

malkad [m.dh] (-do, m.l)
(muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada oo la afuufo badanaana loo isticmaalo xafladda istunka. 2. Calaamad caan ah oo wax leeyihiin.

rash [m.dh]
1. Xabbad baaruud kala firirta leh oo lagu laayo shimbiraha iwm. 2. Qa-raaxad ka kooban xaashi adag oo ay baaruudi ku jirto oo inta badan iidaha iyo xafladaha la rido. 3. R. ah: bunduqa lagu rido xabbadaha rashta.

xiritaan [m.l]
1. Xafladda lagu gebegebeeyo hawl socotay. 2. Gebegebada hawl socotay.

xus [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Wax soo hadal qaadid. 2. Cid dhimatay Allabari u samayn. 3. Dhacdo tariikh leh xaflad u samayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg