xagaa
(m.l) (-aayo, m.dh)

1. Afarta nur oo sanada midkood; wuxuu u dhexeeyaa guga iyo dayrta; xilliga xagaayadu da'do. ld xa-gaay.

xagaa
(m.l) (-aayo, m.dh)

(c.fal.) Loolka dhexe, waa xilliga ku xiga guga, xiddigis ahaanna waxa loo tixgeliyaa inuu ku beegan yahay kubbad badhka min hornaqa xagaaga (21 juun) ilaa caano maallada isle eg ee dayrta (21 sebtember).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xagaa

naaf [m.l] (-fo, m.l)
1. Xiddig ka mid ah ururka naafo. 2. (m.w) Toddobada xiddigood oo “naafcadduhu” ugu horreeyo, “dirirkuna” ugu dambeeyo; waxay u dhexeeyaan toddobada “raqaha” iyo toddobada “daalallida”; waa xiddigo xagaa.

xagaabbax [m.l]
ld kulayle.

xagaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
Dhul ciid guduud jilicsan leh oo ariga saac u lahayn.

xagaaf [m.dh] (-fo, m.l)
Kabo harag ka sa-maysan oo duug ah.

xagaaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Wax siman ka dhigid (dhul).

xagaafayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xagaafee.

xagaafe [m.l] (-fayaal, m.l/dh)
Degaxaar.

xagaafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
Neef xagaafo shilin, ragaad kaga gurid.

xag [m.l]
Dhan; jaho; dhinac; gees.

xag [m.dh]
Candhada xoolaha horaad iyo danbeed isku dhinac ah.

xag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Ciddiyaha, ilkaha iwm cid wax ku yeelid (xagasho). ld xago.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg