xagal
(m.dh) (-glo, m.l/-llo, m.dh)

1. Lowga laabatadiisa dibadda u jeedda oo kolka la fariisto ama lugta la laabo, isku laabanta. 2. Labo xarriiqood oo toostoosan oo meel isugu yimaada iyo qaabka ay u yeelaan korka ama meesha u dhexaysa.

xagal
(m.dh) (-glo, m.l/-llo, m.dh)

(xis.) Saxan ka samayma ratibaadda laba xarriigood (dhinacyo ama gacmo) oo ku kulma bar lagu magacaabo geeska xagasha. Halbeegga waa darajo ama gacansin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xagal

xagal daacsan [m.dh] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Xagasha cabbirkedu ka weynyahay 180° kana yaryahay 360°.

xagal fiiqan [m.dh] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay 0° kana yaryahay xagal qumman (90° ama P/2 gacansin).

xagal furan [m.dh] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay xagal qumman (90°), kana yaryahay xagal toosan (180°).

xagal janjeedh [m.dh] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Xagal cabbirkeedu aan ahayn xagal qumman iyo dhufsane qumman midna.

xagal masaafo-cabbire [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(xis.) Aalad lagu qiyaso masaafo xagleedda laba shay.

xagal qumman [m.dh] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Xagasha cabbirkeedu dhanyahay 90° ama P/2 gacasin.

xagal toosan [m.dh] (-llo ..., m.dh)
(xis.) Xagasha cabbirkeedu le'egyahay 180° ama laba xaglood oo qumman.

xagal-adke [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
(xis.) Ratibidda saddex addimaale ka sammaysma dhammaan xarriiqyo bar ka soo unkama halka bar wadaag ah isla markaana dhex mara xood sallax oo oodan.

xag [m.l]
Dhan; jaho; dhinac; gees.

xag [m.dh]
Candhada xoolaha horaad iyo danbeed isku dhinac ah.

xag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Ciddiyaha, ilkaha iwm cid wax ku yeelid (xagasho). ld xago.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg