xaggee
(e.we)

Docdee? Halkee? Meelma?.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xaggee

xagayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Xag ka maalid ( xoolo irmaan). xagge s. Meel fog ku sugan; xaggeeya. Tus. “Waxaa laga helaa jidka xagge”.

barandi [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Cayaari ama khaafiyad weyn, doonta xaggeeda dambe ku taal oo xarigga shiraaca lagu duubo.

cune [m.l] (-nayaal, m.dh)
1. Dhuunta cunnadu marto oo isku xirta afka iyo caloosha xaggeeda sare. 2. Wax cuna; cunaa.

dhuus [m.dh]
Neef kolkol sanqari weheliso oo qurmuun oo nafleyda qaarkeed xaggeeda dambe ka timaadda. ld dhuuso.

duluc [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Googgaradda haweenka xarigga kor uga jira oo lagu xiro marka la qaadanayo. 2. Googgaradda xaggeeda sare ee xarigga duluca ah la geliyo.

ilxaydh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(c.nafl.) Lakabka sare ee adag ee isha lafdhabarleyda. Isha xaggeeda hore, ilxaydhu waxay isu beddeshaa koorniya.

intee [e.we]
1. Immisa? 2. Xaggee?.

jigo [m.dh]
Madaxa dadka iyo xayawaanka dhankiisa dambe, meesha ay iska galaan luqunta xaggeeda sare iyo madaxu; jeego.

koorniya [m.dh] (-yayaal, m.l/dh)
(c.nafl ) Dabool ilays gudbiye ah oo ku yaalla kubbadda isha xaggeeda hore. Waa isbedel socda oo ka yimaadda ilxaydha.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg