xago
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-gtay, -gatay)

1. Ilkaha ama ciddiyaha wax nabar yar ku gaarsiin. 2. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha ama ciddiyaha kaga fuqsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xago

xag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Ciddiyaha, ilkaha iwm cid wax ku yeelid (xagasho). ld xago.

xagasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xago.

xagxago [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. Wax yar oo meel ku dheggan ilkaha uga goosasho. 2. Cid haruufid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg