xajiin
(m.l)

Geed yar oo leh caleemo xaadi ku rogantahay iyo dhacaan cuncun deran ku reeba wixii uu taabto.

xajiin
(m.dh)

Cuncun haraggu dareemo oo oogadu aad u kahato oo waxyaalo kala gaar ah laga qaado (sida: dhirta qaarkeed, habaaska, cunnada, iwm); cadanyo; caaro. ld xajiimo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xajiin

ibalaroor [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Geed-nagaar xajiinka u eg oo xooluhu aad u daaqaan, kuna dararaan markiiba. ld iballaroor. iballaroor

xajiimeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax xajiin la mariyey ahaansho.

xajiimo [m.dh]
ld xajiin².

xajiinbadeed [m.dh] (-do/-dyo, m.l)
Bahal badda ku nool; qasaanqas.

xajiinmadow [m.dh]
Geed-xajiin xooluhu daa-qaan.

xajiintir [m.l]
Maro ama jawaan jilicsan oo marka awrta la rarayo kebdaha laga xijiyo.

caaro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Cayayaan siddeed lugood leh, samaysta dabin shabaq ah oo bahallada yaryari ugu dhacaan. 2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar leh; cadanyo; xajiin.

dheerdheero [m.dh]
1. Geed qoodxeed jeerinka u eg oo leh miro iyo xabag la cuno. 2. Xajiin jirku la barbararo. ld dheedheero, dheerdheere.

xaji [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Xaj gudasho.

xaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax xoog u qabasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg