xakab
(m.l)

1. Qoryo ceelka afka laga saaro; makaab. 2. Sallaanka meelihiisa cagta la saa-ro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xakab

kaabi [m.l]
1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab. raar, xakab

dawlisgoys [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-syo, m.dh)
Calaamadaha sarriinka ah oo jiidista dawlisku ku sameeyo xakabbada. ld dowlisgoys.

gufeys [m.l] (-syo, m.dh)
1. Xakab yar oo ka dambeeya xakabka horyaalka ah. 2. ld gufeyn.

horyaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Madax; horfiiq. 2. Cidda koobka ciyaarta ku guulaysato. 3. (-llo, mdh.) Xakabadda ceelasha kan ugu weyn oo ugu hooseeya.

makaab [m.l] (-byo, m.dh)
Qoryo ama tiirar afka laga saaro ceelasha, si ay u sahlanaato shubiddooda; xakab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg