xal
(m.l)

Maaro; mushkilo ama mas'alo maaro u helid.

xal
(m.l)

Biyo yar oo wax lagu dhaqay.

xal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-alay, -ashay)

Biyo yar weel ku mayrid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xal

gaabsi [m.l]
Galmo aan xalaal ahayn.

yaanbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Bir xalleefsan oo af ballaaran iyo daab leh oo beeraha lagu falo. 2. Bir af ballaaran oo godan leh oo ay cagafcagaftu beeraha ku fasho.

baadibooliye [m.l]
Qof baadida xalaaleysta.

caaddifi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-fiin, m.dh)
1. C. ah: qof si fudud iyo ka fiirsasho la'aan wax ku xalliya. 2. Dabci dadka qaarkii yeesho oo ah fudayd iyo ka fiirsi la'aan wax lagu xalliyo.

haamanad [m.dh] (-dyo, m.dh)
Naag naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid yihiin. ld hamaanad. hamaanad

jabbu [m.l]
(muus.) Durbaan laba af ka daloola oo harag xallafsan ku rogan.

nabad-jeceyl [m.l]
(fals.) Dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda dagaallada oo loo adeegsado xallinta mashaakillada, uguna baaqa adduunweynaha nabad ku wada noolaansho.

wacal [m.l] (-llo, m.dh)
Wiil aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel¹.

wacal [m.dh] (-lo, m.dh)
Gabar aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel².

xaaraan [m.dh]
Wax aan shareecadu banayn oo xalaal ka dhigin; booli.

x [m.dh]
(xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg