xalaal
(m.dh)

Wax shareecadu bannaysay oo lagu dhaqmi karo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xalaal

gaabsi [m.l]
Galmo aan xalaal ahayn.

baadibooliye [m.l]
Qof baadida xalaaleysta.

haamanad [m.dh] (-dyo, m.dh)
Naag naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid yihiin. ld hamaanad. hamaanad

wacal [m.l] (-llo, m.dh)
Wiil aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel¹.

wacal [m.dh] (-lo, m.dh)
Gabar aan meher xalaal ah ku dhalan. ld wecel².

xaaraan [m.dh]
Wax aan shareecadu banayn oo xalaal ka dhigin; booli.

xalaalayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xalaalee. ld xalaalays.

xalaalays [m.l]
ld xalaalayn.

xalaalaysad [m.l]
ld xalaalaysasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg