xallad
(m.dh)

Qurxinta iyo nuxur u yeelidda hadalka, gaar ahaan qaybaha suugaanta.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xallad

xalladee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-deeyay, -deysay)
Hadal dux iyo xiiso u yeelid.

xalladeyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xalladee.

af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.

quluud [m.dh]
Ulajeedo naftu u bogto oo ku raaxaysato; macne loo jeelo oo la jeclaysto; murti; xallad; milgo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg