xalleef
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

X. ah: wax aan qiro lahayn oo dhuuban.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xalleef

yaanbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Bir xalleefsan oo af ballaaran iyo daab leh oo beeraha lagu falo. 2. Bir af ballaaran oo godan leh oo ay cagafcagaftu beeraha ku fasho.

xagaafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Bir xalleefsan, godan oo xoolaha shilinta, ragaadka iwm looga guro.

xallaafato [m.dh]
Qalab bir ah oo af galoolan iyo daab qori ah leh oo marka geedaha la qorayo xanafta looga bi'iyo; xalleefato.

xalleefato [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qalab ka kooban ul iyo bir godan oo labada dhanba af ku leh oo weelasha qoriga ah gudaha looga qoro.

xalleefi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xalleef ka dhigid (wax).

xalleefin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xalleefi.

xalleefsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax xalleef laga dhigay ahaansho.

xalleefsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xalleefsan. ld xalleef-sanaansho.

xalleefsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld xalleefsanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg