xalleefsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Wax xalleef laga dhigay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xalleefsan ↴

yaanbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Bir xalleefsan oo af ballaaran iyo daab leh oo beeraha lagu falo. 2. Bir af ballaaran oo godan leh oo ay cagafcagaftu beeraha ku fasho.

xagaafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Bir xalleefsan, godan oo xoolaha shilinta, ragaadka iwm looga guro.

xalleefsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xalleefsan. ld xalleef-sanaansho.

xalleefsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld xalleefsanaan.

alwaax [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Qoryo xalleefsan oo si gaar ah loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska iwm.

baangad [m.dh] (-do, m.l)
Qalab gadaal ku leh daab la qabsado oo ka samaysan bir dheer, xalleefsan, xoodan, hal dhinac wax ku goysa oo geed nugulka iwm lagu jaro.

badhan [m.l] (-amo, m.dh)
Shey yar oo caag, bir iwm ka samaysan, wareegsan xalleefsan daloollo leh oo dharka la gashado meelo gaar ah looga tolo si uu dacalladooda isugu qabto; galuus.

baridhawr [m.l] (-rro, m.dh)
Barkin xalleefsan oo koore, kursi iwm layska xajiyo..

bishkil [m.l] (-llo, m.dh)
Qori yar oo xalleefsan mayrax iwm oo dalool yar la agu gufeeyo. ld bishil¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg