xalli
(m.l) (-iyo, m.dh)

Maaro.

xalli
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Mushkilo ama mas'alo xal u helid.

xalli
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

Nafley ama dad si saf ballaaran ah u socosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xalli

caaddifi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-fiin, m.dh)
1. C. ah: qof si fudud iyo ka fiirsasho la'aan wax ku xalliya. 2. Dabci dadka qaarkii yeesho oo ah fudayd iyo ka fiirsi la'aan wax lagu xalliyo.

nabad-jeceyl [m.l]
(fals.) Dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda dagaallada oo loo adeegsado xallinta mashaakillada, uguna baaqa adduunweynaha nabad ku wada noolaansho.

xab [m.l]
1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.

xalliiban [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Caano ama wax la mid ah oo miir ah, aan wax kale dheehin ama tar-raxin, nadiifnimadii ka badatay. 2. Wax sida dhalada qaarkeed, araggu gudbo ama iftiinku soo dhaafo.

xallin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xalli².

xallin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xalli³. ld xallis.

xallis [m.l]
ld xallin².

xal [m.l]
Maaro; mushkilo ama mas'alo maaro u helid.

xal [m.l]
Biyo yar oo wax lagu dhaqay.

xal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
Biyo yar weel ku mayrid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg