xallin
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg xalli².

xallin
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg xalli³. ld xallis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xallin

nabad-jeceyl [m.l]
(fals.) Dhaqdhaqaaq ka soo horjeeda dagaallada oo loo adeegsado xallinta mashaakillada, uguna baaqa adduunweynaha nabad ku wada noolaansho.

xallis [m.l]
ld xallin².

basar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-sray, -sartay; -sri)
Wax si tab iyo xeelad leh u xallin.

daawee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -weysay)
1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. ld daaweysii, dawee, daweysii.

debbir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax si wanaagsan u xallin. 2. Kala d.: wax si khayaano ku jirto u habeyn.

digniin kamadambeys ah [m.dh]
(siyaa.) Xagga qawaaniinta caalamiga, waa shuruudaha ugu dambeeya wada hadal, ku gacan seeriddiisuna ay keento joojin wada xaajoodka socday ama ku dhaqaaqid awood wax ku xallin.

hamaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-nay, -ntay)
Mushkilo xallinteeda kari waayid. ld hamaanso (3).

maaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -reysay)
1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg