xoor
(m.l) (-rar, m.l)

1. Bahal dabacaddaha la bah ah; wuxuu leeyahay dhogor adag oo duf ah oo bey ah; aad wuxuu u laayaa halaqa, jiirka, kd., fudaydna looma dili karo. 2. ld xoor 2 (2).

xoor
(m.dh)

1. Xumbo cad oo caanaha la lisay yeeshaan. 2. ld xoor 1 (2). Magac xiddi-good.

xoor
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

1. Wax tuurid. 2. Wax dhumin.

Galaalxoor*

Fooro qof saarnayd oo uu iska tiro. Dambas ama nuurad qof cayaar laga badiyey la mariyey oo uu iska tiro.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xoor

daadxoor [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Xumbo saaruq wadata oo ka samaysanta xawliga biyaha, siiba daadadka. 2. Saaruqda daadadka ka harta.

ibdar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Caano yar oo dhowrto ahaan la isugu daro. 2. Xoolaha markay dararaan oo uu naaskoodu gaaro xoorka caanaha. 3. Dhaawac gaara caanamareenka naaska oo ay candhadu caanaha ceshan weydo.

wadaamaxoor [m.dh]
ld wadaamaxooro.

wadaamaxooro [m.l]
Wadaamaggoys. ld wadaa-maxoor.

xaliiban [m.l]
Caano dhay ah oo xoortii ka dhacday.

bah [m.dh] (-ho, m.l)
1. Naago nin qabo middood iyo carruurteeda. 2. Isku b. ah: carruur hooyo keli ahi wada dhashay. 3. Xiddigo dayaxu maro oo u dhexeeya xoor iyo faruuryo. ld baho.

baho [m.l]
(c.fal.) Uruur xiddigaha ka mid ah oo u dhexeeya Xoorka iyo Faruuryaha. ld bah.

bur [m.l]
1. Budo cad oo rootiga, malawaxa iwm laga samaysto. 2. Taag ciid. 3. Cad yar (ciid, soor, sonkor iwm). 4. Hal geed oo caws ah oo bahalladda yaryar galaan. 5. Abur; xoor.

dabacadde [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
1. ld dabcaddeeye. Bahal yar, xoorta le'eg, leh daba dheer oo foodda ka cad oo digaagga laaya. 2. Bahal safanta badda la jaad ah, kase weyn; ganacsi buu galaa oo waa la dhoofiyaa.

dibadyaal [m.l]
1. D. ah: xidid buruq iwm oo aan ciidi ku qarsoonayn. 2. D. ah: wax la xooray oo aan qiimo lahayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg