xoqid
(m.f.dh)

eeg xoq³. ld xogid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xoqid

jaawo [m.dh]
1. ld farjaw. Isku xoqidda suulka iyo farta si ay shanqar u sameeyaan iyadoo nafley loogu baaqayo. 2. Suul-dhabaale la sameeyo marka turub laga yamxeerinayo.

taallaquf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-fay, -ftay)
Raaf dhul ku xoqid si uu u guulo dibi kale (dibi).

cul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Weel caanood ama biyood qori dab ah gudihiisa oo dhan xoqid, si loo nadiifiyo. ld cug².

cusbee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
1. Cunto cusbo ku darid. 2. Harag cusbo marin. 3. Ilmo, dabada cusbo kaga xoqid si loogu daaweeyo.

dhallinyarayn [m.dh]
(juqr.) Dariiqadda hawsha xoqidda lagu cusboonaysiiyo, gaar ahaan waxaa lagu isticmaalaa webiyada, oo la yiraahdo waa la dhallinyareeyay.

hiig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Harag, suun iwm hiige ku xoqid.

hiigo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
Meel isku xoqid (xoolo)

hool [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-olay, -oshay)
1. Wax xoqid. 2. Timo, dhogor iwm hoobin. 3. Wax dub ka qaadid.

islis [m.l]
Is xoqid xoog leh oo laba shey ka dhex dhaca.

islis [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Is xoqid.

xoq [m.l]
Beeyo qolof lagu fujiyo oo aan saafi ahayn. ld xog¹, xog², xoq².

xoq [m.dh]
ld xoq¹.

xoq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. Wax ciddiyaha marmarin. 2. Wax hoolid. 3. Cusbo gaar ah carruur dabada ka gelin. ld xog³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg