xoqo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-qday, -qatay)

Meel jirka nafleyda ka mid ah oo cuncunaysa ciddi ama wax kale xoog ugu duugasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xoqo

jaawi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. ld farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub).

cuncun [m.l]
Xajiin oogada nafleyda ku dhacda oo keenta xoqod badan.

cuncun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, ntay)
Xajiin xoqod u baahan dareemid.

cusballab [m.dh]
Nooc cusbada ka mid ah oo dawo ahaan carruurta yaryar dabada looga xoqo.

kabriid [m.l] (-ddo, m.dh)
Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. ld kebriid, kibriid.

qumbahoole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Qalab leh af u eg kan mishaarta oo qumbaha lagu xoqo, gadaalna ku leh qori dheer oo lagu fadhiisto. ld qumbahool.

shalfo [m.dh]
Nabar ku samaysma tagoogta geela afkeeda kore marka shafku xoqo.

xanaf [m.dh]
Taag taag yaryar oo soofe iwm ay leeyihiin oo dhaawaca wixii lagu xoqo; dardar; xajiin.

xoqasho [m.f.dh]
eeg xoqo. ld xoqad¹.

xoqato [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qalab yar oo bir ah oo af godan oo qumanka lagu xoqo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg