xor
(m.dh)

1. Wuxuu doono samayn kara; aan cidi u talin; wuxuu maskaxdiisa ka maago samayn kara isagoo aan cidna kala tashan; isu taliya; madax bannaan; aan hawl ama shii-daad kale horjoogin ama xayirayn. 2. (-ro, m.l) Dacal (dhar); daraf; serji.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xor

caabbin [m.dh]
(taar.) Iska caabbin cadow ama weerar dagaal, ficil ay dadku ku qaadaan si ay u helaan xornimo, ama iskacelin weerar.

ee [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e. e

aan [qr.diid]
Qurub tilmaamaya in weertu tahay weer diidmo, weer xor ah ama midaan ahayn tu ay tahayba. Tus. “Miyaan fadhigii la qaban?”, “Yaan lacag la siin!”, “Wiilka aan imaanini waa Cali”. ld an.

aayakatashi [m.l]
(siyaa.) Xaqa uu waddan u leeyahay waddan kale in uu kaga xoroobo waddan shisheeye ee haystay, una doorto dawladda uu rabo. ld aayakatalin.

addoon [m.l] (-oommo, m.dh)
Nin aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; cabiid; bidde.

addoon [m.dh] (-oomo, m.dh)
Naag aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; biddad.

amiiba [m.dh] (-booyin, m.l)
(baay.) Duul ka tirsan borotosowa, jidhkooduna leeyahay soo baxyo aan joogto ahayn oo loo yaqaanno addimobeenaadyo. Kuwaas oo ay u isticmaalaan socodka iyo quudashada taas oo keenta in qaabka jidhkoodu si joogto ah isku beddelo. Sinjiyada amiibada badankoodu waxay si xor ah ugu dhex noolyihiin carrada, dhooqada ama biyaha halkaas oo ay ka quutaan borotosowaha yaryar iyo dhirta kale ee unugleyda ah, laakiin tiro yar ayaa dulin ah.

asii [Xiriiriye | Conjunction]
(nax.) 1. Erey lagu xiriiriyo laba weer aan xor ahayn; “oo”. Tus. “Haddaan lacag siiyo asii diido, maxaan sameynayaa?” 2. Erey lagu xiriiriyo laba weer xor ah; “-na”. Tus. “Lagac baan siiyay asuu diiday”.

barwaaqasooran [m.l]
Isbahaysi dhaqan dhaqaale oo ka dhexeeya Ingiriiska iyo dawladaha xorta ah ee uu gumeysan Jirey.

biddad [m.dh] (-do, m.l)
Haweeney la leeyahay aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto.

x [m.dh]
(xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg