xoree
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-reeyay, -raysay)

Cid xor ka dhigid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xoree

nin la xoreeye [m.l]
(niman ..., m.l) (taar.) Waqtiyadii hore addoonka marka la xoreeyo, beertiisa wuu falan jirey xorna wuu ahaa; xoryeel.

xorayn [m.f.dh]
eeg xoree.

xoryeel [m.l] (-llo, m.dh)
Nin addoon ahaa oo la xoreeyey.

xoryeel [m.dh]
Haweeney addoon ahayd oo la xoreeyey.

xor [m.dh]
1. Wuxuu doono samayn kara; aan cidi u talin; wuxuu maskaxdiisa ka maago samayn kara isagoo aan cidna kala tashan; isu taliya; madax bannaan; aan hawl ama shii-daad kale horjoogin ama xayirayn. 2. (-ro, m.l) Dacal (dhar); daraf; serji.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg