xuddun
(m.dh) (-umo, m.l)

1. Godka yarka ah oo caloosha bartankeeda ku yaal. 2. Hab waalidku carruurtiisa wax xoolo ah, u siiyo (ilmaha dhashay xuddunta laga gooyo baa neefka la siinayo loogu xiraa; xuddunxir).

xuddun
(m.dh)

(jool.) Badhtamaha dhulka ee ka hooseeya carro-jiifka dhulka, hexroorkii-suna yahay 6900 oo mitir, oo leh cufnaan sare, kana kooban nikal iyo xadiid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xuddun

xalus [m.l]
Laab weyn oo baruur duuban ah oo dadka shilis, siiba dumarku, xuddunta hoos-teeda ku yeeshaan. ld xulus.

carrojiif [m.l]
(jool.) Lakab dhadhaab ah oo ka hooseeya oogada dhulka, kaas oo ka kooban dhadhaabo cufnaantoodu ay ka sarrayso kuwa oogada dhulka, waxaana kala saara carrojiifka iyo oogada dhulka la yiraahdo moho; gunta dhererka carrojiifku wuxuu gaarayaa ilaa 2,900 Km. (1,800 mayl) ka hoos dhulka dushiisa. Carrojiifka isagana waxaa ka hooseeya xuddunta.

culays [m.l] (-syo, m.dh)
(fiis.) Xoogga uu dhulka ku soo jiidanayo walax ayaa ah culeyska walaxdaas. Culeyska walax waxa lagu helaa mg. taasoo culeysku ku xiran yahay hadba inta uu u jiro xuddunta dhulka. Waxa astaan u ah (w), halbeeguna waa niyuutan (N).

dhab [m.dh]
1. Wax run ah oo kaftan iyo ciyaar ahayn; xaqiiq. 2. Xuddunta iyo lowyaha inta u dhexeysa (dad).

dhexroor [m.l]
(xis.) Fogaanta isaga gudubta shaxan sallax ah ama adke ah ee halka barta ugu ballaaran ee shaxanka. Dh.ka goobada waa xarriiqda toosan oo marta xuddunta goobada kuna dhammaata laba barood oo goobada ku yaalla.

gacan [m.l] (-ammo/-nno, m.dh)
(xis.) Xarriiq toosan ee ka timaada xuddunta kuna dhammaata bar ku taalla meeriska goobada ama fogaanta ka bilaabata xuddunta kubbad, kuna dhammaata bar ku taal dusha kubbadda.

isle'eg-kubbad [m.dh] (-gyo ..., m.dh)
(xis.) Habdhiska kulannada kaartis ee isle'egta kubbad sansaankeedu waa: (x - a)2 + (y - b)2 + (z - c)2 = Y2 taas oo a, b iyo c ay yihiin kulannada xuddunta. Marka xudduntu tahay unugga isle'egtu waxa ay noqonaysa x2 + y2 + z2 = r2.

wanqar [m.l]
1. (xis.) Guud ahaan, shaxan ama tibaax waxa la yiraahdaa waa wanqaranyahay haddii qaybo ka mid ah shaxanka ama tibaaxda la isku beddel karo iyada oo aan shaxanka ama tibxaha la doorin. Shaxan joometariyeed waxa uu leeyahay wanqar noqod haddii baro ku yaalla shaxanka ay leeyihiin baro ku aaddan oo ka soo noqday bar kale oo loo yaqaan xuddun wanqareed, xarriiq wanqareed ama sallax wanqareed. 2. (xis.) Shaxan kasta oo loo qaybin karo laba qaybood oo middiiba midka kale uu u yahay humaag muraayadeed shaxan sallax ah waxa uu leeyahay ugu yaraan hal xarriiq wanqareed oo u qaybisa laba humaag muraayadeed. Xarafka A waa wanqaranyahay; is mana beddelo marka muraayad lagu eego. Hase yeeshe, xarafka R ma aha wanqar.

xoog xuddun ujeed [m.l]
Xoog xuddumeed le'eg, lidna ku ah jihada xoog xuddun ka-jeedka.

xoog-xuddun-ka-jeed [m.l] (-gag ..., m.l)
(fiis.) Xoog xuddun ka-jeed. Xoog xuddumeed raadkiisa ladareemo marka baabuur aad saaran tahay uu jiiro galo. Waxa aad dareentaa in uu xoog ku jiidaya lidka jihada jiirada.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg