xudduud
(m.l) (-do, m.l)

Soohdin; seere; xad.

xudduud
(m.dh)

1. Duxda hadalka ama macnaha oraah lagu dhawaaqay ka dam-beysa. 2. Xusuus la sii dhadhansado, oo wax kolkaas la sheegay soo kiciyaan, lagu soo garwaaqsado. 3. Seere; soohdin; xad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xudduud

xad [m.l] (-dad, m.l)
1. Xudduud; soohdin. 2. ld xaj.

seere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Dalal isku qabsan oo dawlado kala leeyihiin ama gobollo, beero iwm xarriiqda u dhexeysa oo caddaynaysa meesha mid ku dhammaado midna ka billaawdo; soohdin; xudduud; xad. 2. Dhul laga xayiro daaq-sinka xilliga doogga ah si loo daaqo jiilaalka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg