xukun
(m.l)

1. Talis, guddoon. 2. ld xugmi. Go'aan maxkamadeed. 3. ld xakaamad, xukuumad. Dowlad; dawlo. ld xugun.

xukun
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-umay, -untay; -umi)

1. Wax maamulid. 2. Cid go'aan maxkamadeed ku qaadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xukun

waddan [m.l] (-nno/-ammo, m.dh)
Dhul leh xuduud, xukun iwm oo u gaar ah.

xakaamad [m.dh]
ld xukun¹ (3).

xakun [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-umay, -untay; -umi)
ld xukun².

argaggixisannimo [m.dh]
Isticmaalid rabash, dil, afduub iyo dhac si loo gaaro ujeeddo siyaasadeed ama si loogu qasbo dawlad in xukunkeedu wax ka beddesho.

boqorad [m.dh] (-do, m.l)
Haweeney madax u ah tol ama qaran xukunkeedu dhaxaltooyo yahay; marantida boqorka.

boqortooyo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Nidaam iyo xukun ka jira dal boqor u taliya. 2. Waddan boqor xukumo.

cilmiga siyaasadda [m.l]
Barashada habka siyaasadeed iyo awoodda xukunka ee looga dhaqmo waddan, gaar ahaan kuwa ku dhaqma nidaamka dimoqraadiga.

demokarasiya [m.dh]
Talis dawleed oo ku dhisan xukun uu dadweynuhu maamulo. ld demokarasiyad.

garsuge [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
Nin xabsi ku jira oo aan xukunayn; rumaa.

gole-ku-simid [m.dh]
(siyaa.) Awodda xukunka maamuka ee ay bixisay Ururkii Qaramada dagaalkii kowaad ka dib.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg