xulan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)

Wax xul lagu sameeyey ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xulan

racayn [m.dh]
Hormo urur kasta ee uu urur walxood iyada oo aan la tixgelin horsanaanta sida loo kala xushay. Haddii 'r'walxood laga xushay urur 'n'kutirsane leh oo weliba walax kastana la xulan karo mar keliya. Tirada racaymaha kaladuwan waa: n!/[r!(n-r)!] loona qoro nCr ama C(n,r)[r!(n-r)!]Tusaale ahaan, haddi fasal ay ku jiraan 15 arday ay ka dhexeeyaan 5 buug oo keliya, marka buug kasta waa in ay saddex arday wadagaan, inta siyaalo ee loo ratibi karo waa: 15!/[3!(15-3)!] ama 455.

xulanti [m.dh]
Wax badan inta laga soo xushay oo ugu wareegsan.

xulnaan [m.f.dh]
eeg xulan. ld xulnaansho.

xul [m.l]
1. Wax badan kuwa laga soo xushtay. 2. ld xulid.

xul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1]
(xulay, xushay) 1. Tiro wax kale oo la nooc ah fiicnaan uga doorid. 2. Wax, wax kale ka dhex baarid. 3. Kayn iwm dhex marid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg